Shabaab”wuu nool yahay Abuu Zubeyr”

0

War qoraal ah oo ay soo saareen Al Shabaab ayaa waxa ay ku sheegeen in uu nool yahay Amiirkooda Al Shabaab Sheekh Muqtaar, Cabdiraxmaan Abuu Zubeyr.

Bogga Twitterka ay ku leeyihiin Al Shababa ayaa waxa ay ku sheegeen in ay been tahay wararka sheegaya in uu geeriyooday Hogaamiyahooda, iyadoo Saxaafadda uga digay wararka been abuurka ah.

Warka ayaa lagu sheegay in kaliya Weerarkaasi uu ku dhintay Hal Sarkaal oo ka tirsan Xarakada Al Shabaab.

Arrintaani waxa ay ka dambeysay kadib markii ay soo baxeen Warar sheegaya in Duqeyn Mareykanka uu u geystay Shabaab ay suurtagal tahay in uu ku geeriyooday Axmed Godane oo loo yaqaano Abuu Zubeyr taasi oo ka dhacday meel ku dhow Degmada Sablaale ee Gobolka Sh/hoose.

Hase ahaateen Sarkaal u hadlay Shabaab oo lagu magacaabo Abuu Maxamed waxa uu sheegay in 6 ka mid ah Saraakiishooda ay ku dhinteen Weerarkaasi, inkastoo uusan sheegin in uu ka mid yahay Hogaamiyahooda.