XOG:- Somaliland oo lumisay taageerada wadamo badan oo caalamka ah (AKHRI SABABTA)

0

Hargeysa, AGGM: Maamulka Somaliland ayaa taageero ka haysatay qaar ka mid ah wadamada caalamka, waxaana loo haystay maamulka ugu nabdoon ee Soomaaliya 20-kii sano ee lasoo dhaafay.

Hase ahaatee taasi ayaa beenowday, waxaana hadda ay lumisay wadamo badan iyo sidoo kale ururo caalami ah oo kalsoonidii nabadda kala noqday.

Ka dib markii duulaan cad ay ku qaadeen deegaanka Saaxdheer waxay taasi yusisay caalamka in maamulkaan uu yahay mid la meel uu ku dagaalamo, una ooman daadinta dhiiga dadka shacabka ah.

Waxaa durba soo yeeray baaqyo deg deg ah misane ku saabsan in ciidankeeda kala baxdo Saaxdheer si aan mugdi ku jirin, Somaliland saacado ayeey taasi ka madax adeegtay.

Dowaladaha Mareekanka, Ingiriiska ayaa liiska gobalada qasan ku daray dhamaan gobalada Somaliland maamulaan, waxaana loo aqoonsaday in qeyb ay ka yihiin maamulada dalka dhibka ka wada.

Saaxdheer ayaa kaliftay in Somaliland ay sumcad badan ku lumiso, waxaana taaso oo dhan eedeeda dusha laga saaray maamulka Siilaanyo oo doonaaya in muddo Sanad ahi xilka ku darsado.

Xisbiyada Mucaaridka ah waxay sheegeen in Siilaanyo dagaaladaan uu kaga golleeyahay in aanu doorasho dhici, islamarkaana uu ku darsado muddo sanad dheeraad ah.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media

allgalgaduud@gmail.com