Dhageyso: Wasiir Xaamud “Tan hadda noogu daran ee na heysata waa ciidanka dhulka”

0

Muqdisho, AGGM: Wasiirka Wasaarada Gaashaandhiga ee Somaliya General Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, ayaa waxa uu ka hadlay baahida ay maanta Somaliya u qabto inay hesho ciidan xoogan, oo dhinac kastaba leh.

Wasiirka, ayaa waxa uu tibaaxay in xilligaan Ciidanka Somaliya ay yihiin kuwo maleeshiyaad ah, waxaan rabnaa buu yiri inaan dhisno ciidan Qaran oo ilaalin kara xuduudaha dhulka iyo badda.

Isagoo la hadlaayay laanta afka Somaliga ee VOA, ayaa wuxuu ka dhawaajiyay in baahida ugu daran ee xilligaan qabaan ay tahay, sidii Soomaaliya ay u heli laheyd ciidan xoogan oo xagga dhulka ah.

Wasiirka oo booqasho ku jooggo dalka Turkiga, ayaa bidhaamiyay in uu dalkaasi u jooggo, dhigiisa Turkiga oo uu kala kaashanaaya dhismaha Ciidanka Qalabka Sida ee Somaliya.

Wuxuu kaloo sheegayaa in Xukuumadiisu ay wado dhaq dhaqaaqyo ay ku dooneyso, in la helo ciidan tayo leh oo xagga dhulka ah, isla-markaana ay kala kaashanayaan Dowladdaha daneeya dib u soo laabashada Somaliya, oo ay ugu horeyso buu yiri Turkiga.

General Xaamud wuxuu Turkiga ku ammaanay in uu Somaliya ka caawinaayo dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha, wadooyinka, iskuulada iyo isbitaalada, wuxuuna muujiyay in taageerada Turkiga ee Somaliya ay tahay mid muuqata.

Mar la weydiiyay in Turkiga uu hubka culus ugu yaboohay Dowladda Federalka ee Somaliya, ayaa wuxuu si weyn u beeniyay jiritaanka warkaasi, isagoona sababta ku sheegay Somaliya oo ka mamnuuc ah in hubka culus la gaarsiiyo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media

allgalgaduud@gmail.com