Dhageyso: Weerarka Buula Mareer Oo Soo dhowaaday iyo Al-Shabaab oo amartay in laga baxo magaalada….

0

Buulo Mareer, AGGM: Xarakada Al-shabaab ayaa ku amray dadka ku nool magaalada Buula-Mareer ee gobolka Shabellaha Hoose in ay magaalada baneeyaan, xilli weerar culus uu kusoo wajahn yahay.

Wararka aan ka heleyno magaalada Buula-Mareer ee gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in kooxda al-shabaab ay dadka ku amreen in magaalada ay ka barakacaan, kadib markii ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Amisom ay magaalada usoo dhawaadeen, lagana cabsi qabo inay gudaha u galaan, oo ay qabsadaan.

Gudoomiyaha Qoryooleey Maxamed Cismaan Xaaji ayaa xaqiijiyay in Shabaabka Buula-Mareer ay arrintan ku ciqaabayaan shacabka magaalada.

Gudoomiyaha Qoryooleey ayaa sheegay in Al-shabaab ay makarafoono ku soo xireen gaadiidka, islamarkaana ay ku dhawaaqayeen erayo ay ka mid yihiin dadka magaalada ha baneeyaan, waxaa soo galaya magaalada cadaw.

Lama oga ujeedka Al-Shabaab ay ka lee yihiin arrintan, waxaase ay ka mid tahay ficillada arxan darrada ah ee argagixsadan.

Dagaal culus, ayaa la filayaa in gobolka Shabeelaha Hoose ay dhowaan ka qarxaan, ayada oo dowladda Soomaaliya ay dooneyso inay ka saarto Al-Shabaab gobolka, waxaana goobaha weerarka uu ku socdo ka mid ah degmada Baraawe.

 

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media

allgalgaduud@gmail.com