TOP NEWS:- Saraakiisha Al-shabaab oo geedi ka ah Soomaaliya (XAGEE WAJAHAYAAN)

0
Muqdisho, AGGM: Saraakiisha ugu sareysa Al-shabaab ayaa hadda waxay isku diyaarinaayaa geedi xoogan ka dib markii godkooda ay ku rogmadeen Biyo xoogan.

Saraakiishaan ayaa ka baqaaya dagaalo xoogan oo markaan ku wajahan, waxaana ay doonayaan inay aadaan dalka Yemen iyo meelo kale oo Afrikadaan ah.

AAl-qaacidada Soomaaliya ayaa waxay ahaayeen kuwo muddo badan dalka ka sameestay waxa ay doonaan, hase ahaatee hadda caalamka oo dhan ayaa u tashaday waxaana go’aan lagu gaaray in dalka laga saaro.

Dhawaan dalka waxaa ka qarxi doona dagaalo culus oo ay qaadayaan ciidamada DF iyo kuwa AMISOM, waxaana dagaaladaan ay yihiin kuwo Al-shabaab lagu baacsanaayo.

Ciidamada Al-shabaab ayaan la ogeyn halka ay wajahaayaan, hase ahaatee saraakiisha waxay u cararayaan dalalka Al-qaacida ku badan tahay.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com