Dhageyso:Gudoomiyihi Hore Ee Degmada Qoryooley Iyo Wariye Oo Xabsi La Dhigay.

0

Marka, AGGM:Ciidamada Amaanka Dowladda ayaa Xabsiga Dhigay Gudoomiyihii Hore Ee degmada Qoryoley Ee Gobalka Shabeellaha Hoose Cusmaan Maxamed Buraale iyo Wariye.

Amarka Gudoomiyihii hore Ee Qoryoley lagu Xiray ayaa Waxa uu ka yimid Gudoomiyaha Gobalka Shabellaha,Hoose C.qaadir Max’ed Nuur Sidii.

Cusmaan Buraale ayaa isku Arka in uu wali yahay Gudoomiyaha degmada Qoryoley, isago ku andacoonaya in aan xilka laga qaadin.

Xariga Gudoomiyihii hore ee qoryoley waxa idaacada kulmiye u xaqiijiyey Gudomiyaha hada Maamula Degmadaas Max’ed Xaaji Cusmaan.

Waxaa isna la xiray Agsimaha Radio Afgoye Max’ed Muuse, kaas oo lo haysto Waraysi uu ka qaaday gudoomiyihii hore ee degmada qoryoley Cusmaan Burale iyo su’aalo uu arintaas ka waydiyey Gudoomiyaha Gobalka Shabeellaha Hoose C.qaadir Sidii.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com