Dhageyso: AMISOM Oo Maleeshiyadi Axmed Daaci Ku Wareejisay Ciidamada Nabadsuggida.

0

Muqdisho, AGGM:Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamada AMISOM ayaa shalay Hay’ada Nabadsuggida Soomaaliya ku wareejisay Maleeshiyadi lagu qabtay dagaalkii ka dhacay 15-kii Bishaan Degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.

Munaasabada lagu Wareejinayay Maleeshiyada ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Taliyaha Hay’ada Nabadsuggida Soomaaliya iyo Taliyaha Ciidamada AMISOM ee Gobolka Banaadir iyo Shabeellooyinka.

Taliyaha Ciidamada AMISOM ee Gobolka Banaadir iyo Labada Shabeelle Dick Alum oo Warbaahinta la hadalay ayaa sheegay in AMISOM ay Hubka dhigis ku sameeyn doonto Dhicayada Hubeeysan,waxaana uu fariin u diray Dadka Hubeeysan ee ku sugan Magaalada Muqdisho.

Isku soo wada duuboo Bartamihii Bishaan ayay aheyd markii Ciidamada nabadsugida Soomaaliya ay Weerar ku qaadeen Guri ku yaala Degmada wadajir oo uu dagaanaa Axmed Xasan Cadoow “Axmed Daaci”,iyadoona Maleeshiyada maanta la wareejiyay ay ahaayeen kuwii u dagaalamayay.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com