XOG:- Gudoomiye Jawaari oo xaalka ku xunyahay (SABABTA AKHRI)

0

Muqdisho, AGGM:Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa haatan waxaa aad ugu xun xaalka, waxaana soo wajahay culees siyaasadeed.

Jawaari waxaa ku dhegan maamulka Madoobe Nuunoow Maxamed, maxaa yeelay maamulkaasi waxa uu heestaa saxiixa Jawaari ee dhismaha maamulka K/Galbeed.

Waxa uu isku day ku sameeyay wada hadal uu la galo Madoobe Nuunoow, hase ahaatee ma aanay suurta gelin, waxaana loo sheegay in wixii yimaada uu  isaga mas’uul ka yahay.

Dhanka kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa u sheegay Jawaari in isaga laga doonaayo inuu xaliyo waxa jira islamarkaana sida ugu dhaqsiyaha badan uu meel ku saaro maamulkaan.

Isku soo wada duuboo ma, ahan Maamulka Koonfur Galbeed ee 6-da gobol oo kaliya waxa ay ka taagan yihiin jahwareerka balse waxaa jira iyana inuu jahwareer baaxadweyn uu ka taagan yahay dhisida maamulka gobolada dhexe ee Soomaaliya maadaama uu ka kooban yahay  hal gobol iyo bar Dastuurka dalka u yaal  waxa  ku qeexan in maamul goboleed ay noqon karaan laba gobol iyo waxii ka badan oo dadka daga ay isku tageen amaba isku raaceen.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com