Falaagada Al Shabaab oo qabtay maandooriye lagu soo qariyay walxo farsameysan.

0

Muqdisho, AGGM: Ururka mayalka adag ee Al Shabaab, ayaa toddobaadkaan waxay Degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose ku qabteen nin watay, waxyaabo maandooriye-yaal ah.

Moondooriyaha oo isugu jiray tubaakada nooca shiidan iyo sigaar, ayaa waxaa siyaabooyin kala gedisan loogu soo qariyay caagado, jawaano iyo shaagaga gaadiidka, waxayna dagaal-yahanada Shabaabka ay ku qabteen Degmada Baraawe, iyagoo sidoo kalana qabtay ninkii watay.

Gelinkii dambe ee Jimcihii shalay, ayaa waxaa ninkaan xukun tacsiir ah loogu fuliyay Fagaaraha Tabuuk ee Degmada Baraawe, iyadoo lagu dhuftay 35 karbaash oo xad ah.

Boqolaal ka mid ah bulshada deegaanka, ayaa isugu soo baxay Fagaaraha Tabuuk, markii gaadiid lagu soo xiray cod baahiye-yaal ay ugu yeereen, inay isugu soo baxaan, si loogu gubo maandooriyaha la qabtay.

Horaantii bishaan, ayay ahayd markii Shabaabku ay Fagaaraha Degmada Baraawe ku gubeen maandooriyaha, xilli ay ka soo dhex qabteen gudaha Degmadaasi.

Shabaabka, ayaa deegaanadooda ka mamnuucay sigaarka, qaadka iyo tubaakada noocyadeeda kala duwan, iyadoo ruuxii lagu qabtaana uu muteysanaayo tacsiir.

 

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com