Ra’isul wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed Oo Ku Fool Leh Itoobiya

0

Muqdisho(AGGM) Ra’isul wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa lagu wadaa in uu u duulo wadanka Itoobiya si uu halkaas uga qeybgalo shir.

Raisul wasaaraha ayaa la filayaa in uu maalinta barri ah u duulo magaalada Addisababa halkaasoo uu kulamo kula leeyahay dhigiisa Itoobiya iyo saraakiil amaan.

Itoobiya waxaa ciidan xoog leh uu ka joogaa wadanka Soomaaliya, waxaana muddooyinkan dambe ay kamid ahayd howlgalka AMISOM ee midawga Afrika.

Lama oga sababta rasmiga ah iyo waxyaabaha salka u ah safarka raisul wasaaraha ee xilligan uu ku aadayo Itoobiya balse waxaa jira guux xoogan oo la xiriira inay jiraan arrimo soo kordhay oo Itoobiya ay doonayso inay la wadaagto hoggaanka sare ee xukuumada Soomaaliya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com