DHAGEYSO:- Wasiir Goodax”Xoog ayaan ku Fureeynaa Wadooyinka u Xiran Shabaab”

0

Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Xukumadda Soomaaliya C/laahi Goodax Barre ayaa sheegay in Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay Xoog ku furayaan wadooyinka u Xiran Al-shabaab.

 

C/laahi Goodax ayaa sheegay in maanta Howlgaladaasi ay bilaabanayaan,Gobolada laga bilaabayana ay yihiin ,Hiiraan,Baay,Bakool iyo Gedo.

 

Waxaa uu sheegay Goodax in Wadooyinkaasi ujeedka loo furayo ay yihiin in dadka Shacabkaa ee ku nool Goboladaasi la gaarsiiyo Gar-gaar si Dadka loo Caawiyo.

 

“Ciidamada AMISOM iyo Kuwa Dowladda diyaar ayey u yihiin in Shacabka ay Dhibaatada ay ka dul qaadaan,Xoog ayaa wadooyinkaasi ku Fureynaa,Dadka Maalmo ha dulqaataan”ayuu yiri Goodax.

 

Al-shabaab ayaa Degmooyin badan oo ku yaala Gobolada Dalka Go’doomiyey,waxaana ay Diideen in Cunto ay helaan dadka halkaas ku nool.