Xildhibaan Kenyan Ah Oo sheegay In Ciidamada Kenya Ee Kismaayo Ku Sugan Uu Waqtigoodi Dhamaaday

0

Muqdisho(AGGM) Xildhibaan Cumar Aadan oo ah xildhibaan laga soo doorto gobolka waqooyi bari Kenya, kana tirsan barlamaanka dalkaas ayaa sheegay in Mandatekii ciidamada Kenya ee Soomaaliya ku sugan uu soo dhamaaday.

Ciidamadda Kenya waxa ay ku biireen  Amisom si ay u xalaalaystaan dilka iyo boobka shacabka Soomaaliyeed ee degan goboladda Jubooyinka. Waxaana ciidamadaas ay maalin walba dilal ka gaystaan Kismaayo, Qadiijo Xaaji, Funuje, Ceelcadde, Dhamase iyo Faafaxdhuun.

Xildhibaanka ayaa dowladiisa wuxuu ku eedeeyay in looga baahnaa ay dalka Kenya ka difaacdo gudaha xuduuda Soomaaliya si aysan waxba u soo gaarin shacabka Kenya balse ay taasi ku fashilantay.

Xildhibaan C/qaadir ayaa sheegay in gobolka waqooyi bari uu ahaa mid amni wanaagsan, balse wixii ka dambeeyay markii ciidankoodu ay galeen Soomaaliya ay gobolkaas ka dhacday amni darro baahsan.

Halkaan Ka Dhageyso Dalxa

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com