Sawiro: Si Aan Horey Loo Arkin Xaflad Weyn Oo Muqdisho Ka Dhacday Oo Lagu Taageeray Galaydh Iyo Maamulka Khaatumo

0

Muqdisho(AGGM) Xaflad weyn oo ay ka soo qeyb galeen boqolaal dadweyne iyo madax ah oo lagu taageerayo hoggaanka Khaatumo State ayaa maanta ka dhacday magaalada Muqdisho.

Xaflada waxaa ka qeybgalay masuuliyiin dowladeed, xildhibaanno, wasiirro hore, ururada haweenka qaranka iyo gobalka Banaadir, ururka dhalinyarada Soomaaliyeed iyo abwaanno iyo fanaaniin Caan ah oo ay kamid yihiin Abwaan Sangub iyo Qoomaal.

Wasiirkii hore Arimaha Dibada Soomaaliya Cali Jaamac Jengali oo goobta ka hadlay ayaa soo dhaweeyay doorashada la doortay Dr Cali Khaliif Galaydh.

Xildhibaanno ay kamid yihiin xildhibaan Cali ganeey, Xildhibaan Cabdi Waaxid Shariif, Ugaas Maxamed Bashiir Ugaas Xasan, Caaqilka Beesha Banaadiriga, Ugaaska Beesha Jareerweyne Sheekh Mukhtaar ayaa maantood waxa ay farriimo taageero ah u direen madaxda cusub ee Khaatumo State.

Gudoomiyah Ururka dhalinyarada Qaranka Somaliyeed ayaa si lamid ah iyaduna bogaadisay Maamulka Khaatumo State.

Halkaan Ka Daawo Sawiro

1 2 3 4 5 6 7 8

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com