Ragga Loogu Cabsi Badanyahay Muqdisho: Maxamed Xasan, Ereg iyo Sanbaloolshe Iyo Arrimo Cusub Oo Ay La Yimaadeen

0

Muqdisho(AGGM) Saddex nin waa Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Gen, Maxamed Xasan oo dhawaan xilkaasi lagu magacaabay kadib markii habacsanaan baahsan, Wasiirka Amniga Qaranka dowladda Soomaaliya, Khaliif Axmed Ereg iyo C/llaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo loo magcaabay agaasimaha hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka.

Magaalada Muqdisho ayaa si weyn looga hadal hayaa raggan oo isbadel muuqda ku sameeyay amaankii Muqdisho ee habacsanaantu ay ku jirtay. Raggan ayaa la yimid tabo cusub oo qalqal gelin ah taasoo si weyn yaabisay dadka reer Muqdisho.

Waxyaabaha la yaabka leh oo ay la yimaadeen ayaa waxa ay yihiin:

Lama hadli karin, iska jir haddii aad saxaafada ka hadasho waxaad muteysanaysaa xarig

Cagajugleyn loo gaysto saxaafada aan hanuunsanayn

Haddii aad tahay Alshabaab laguma sii dayn karo ilaa ciqaabtaada lagagu qaado

Waa inaad siyaasada dawlada markii aad ka hadlayso aad uga hadasho si taxadar uu ku jiro

Lagama hadli karo qorshaha su’aallaha badan ay ka taaganyihiin ee hub aruurinta Muqdisho

Maleeshiyaad hubeysan oo aan dawlada ka tirsanayn laguma arki karo caasimada iyo hareeraheeda

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com