Mustafe Baaruud Oo U Jawaabay Somaliland”Haddii Galaydh Oo Professor Ah Saaxdheer Madaxweyne Ka Noqday, Hargeysa 80 Jir Jabhad Qabiil Hoggaan U Ah Ayaa Madaxweyne U Ah”

0

Galaydh iyo Khaatumo midna maaha wax inagu cusub, Sidaa Darteed ma filay inay Xiiso Gaar ah oo Siyaaasadeed leedahay, Hadii laga Fursan waayo, Waxa loo dhigi Karaa Waji-noocma ah ayuu yeelan karaa Xidhiidhka Cusub ee Hargeisa iyo Saax-dheer.

Waayo, Dhanka Hargeise; waxa Fadhiya 80 jir, Siyaasad iyo Jabhadnimo noloshiisa kusoo Qaatay, Kaas oo ku heesaya “S.land Dalkayga iyo S.land Dadkayga.” Dhanka kalana Waxa shaaxa ku cabaya Boroofeseer, Aftahan iyo Siyaasi Galaydh, oo Isna ku Heesaya

“Soomaaliyeey Tooso, Tooso isku Tiirsada eey”. Galaydh iyo Siilaanyo-ba waxay u dibjireen Balwadooda Siyaasadeed. Labaduba waxay noloshooda Waxbarasho ka bilaabeen Iskuulkii Sheekh, Aqoontooda sarrna Dunida Reer Galbeedka Gaar ahaan UK iy USA. Siilaanyo Waa Biritish sita Maastar Dhaqaala ah, Galaydh-na Waa Maraykan sita Dictoor Culuumta Dibloomasiyada iyo Arimaha Dadweynaha ah. Tani waxay ku tusaysa in uu Geeleena la joogo nin aan lahayni. Yeelkeed oo Allaa Baddee, Labadan Masuulba Aragti ahaan waxay la dhacsan yihiin Aaraada Reer-gabeedaysan ee Dawladnimada iyo Hay’adahooda, taasa keentay in ay ku Margadaan kuna 70+ jirsadaan Mashaakilka wixiii loo yaqaan Soomaaliy Waqooyi, oo imika Midba si fursito. Labaduba waxay noloshoodi shaqo ka bilaabeen Dawladii Kacaankii Lugooyo, sida darteed waa Ardaydii kacaankii Shuuciga ahaa, kaaso Soomaaliyo iyo Magaceediiba Aduunka hoos mariyey.

Dhulbahante, Khaatumo iyo Galaydh inaad kala saarta, waa adoo isku dayey inaad kala Saarto S.land iyo Isaaq. tanina waxay kaw ka tahay fashilka Siyaasinteena, Waayo Waxay dhamaantood ku fashilmeen inay inoo abuuraan Fikir (Wadaniyad), iyagoo iskugu keen toley Magacyadii Qabiilka iyo Wadaniyadii. Galaydh iyo Siilaanyo Shaki kuma jiro in ay Muqdisho isku fikir ka yihiin, iskaba dhaafo Galaydh isagu, Wasiirka koobaad ila Xidhibaan ayuu ka gaadhay, Iskumana Maan-dhaafsaa in Waqooyi oo la dhista ka rajo-fiican yahay Koonfur oo marlabaad loo hayaamo. Tan waxa kaaga maraga Eray Siyaasadeedkii 1960 caan baxay ee “Laa Yaa Garaad”, wakhtigaaso oo Garaadkii Saax dheer ka biyo diiday Muqdisho iyo tagideeda, balse Hargeisa iyo Jubadeedii Soomaali jacayl jiidhay. Waxa kuu raaca, 1989 ilaa 1993, Galaydh iyo Garaadadiisu waxay rajo ka qabeen Dawladnimo Waqooyi loo dhiso. Balse Mushkiladu waxay ilaa waaga ilaa imika Taagan tahay Yaa Helaya? Muxuu Heleyaa, iyo Maxaa damaanad ah?!

Dhulbahante wuxuu Diiday in Dimuqraadiyad loogu yeedho Qabiil-boobka Hargeisa, Hargeise-na waxay u tudhaysaa wuxuu Abwaan, Macalin Gaariye ku sheegay, “Diin+Dhaqan+Qabyaalad+Dimiquradiyad”. Hadii Xaalku sidan yahay, Reer Khaatumo wax cusub may keenin oo Hogaamiyohoodii Ruuxiga ahaa ayuunbay Shookaantii u Dhiibeen, Kulmiye iyo Siilaanyo Rajo Cusub kama Qabo, oo iska Dhaaf Khatumo cusub oo la keeno, kuwii hore ee la joogay ayaa Sibiq-dhaqaaq ku jira. Hadaba Xalku wuxuu ku jiraa In Kulmiye Meesha laga Saaro, oo 2015 Inshalaha laga tashado, Dhulbahante iyo Galaydhna lugg ku yeeshaan UCID iyo WADANI Midkood, iyagoo Heeshiis cad la galaya, Xabada iyo Colaadna layska dhaafo, Waayo Laascaanood, Hargeisa iyo Borame Intuba way xaqiiqsadeen inaan Wax Laaniism u dhaama in aanu jirin.

Mustafe Baroud.
063-484-4000
Faallo Qore.
Barud04@hotmial.com. Facebook: barud04@hotmail.com