Koox Hubeysan Oo 25 Ruux Ka Khafaalatay Mandheera

0

Mandheera(AGGM) Sida uu sheegay Gudoomiyaha degmada Mandheera  koox hubeysan ayaa waxa ay khafaasheen ugu yaraan 25 ruux oo Kenyan ah.

Dadkaan ayaa waxaa dhamaantood ay ahaayeen shaqaale, waxaana la sheegayaa in la khafaashay iyagoo safar ku jira meel u dhaxaysa tuulada Arabiya iyo degmada Mandheera.

Magaalada  Mandheera ee  gobolka Waqooyi bari Kenya waxaa hareeyay weeraro ay ku soo qaadaan kooxo taabacsan Alshabaab, waxayna magaaladu caan ku tahay weerarada noocaas ah.

Gudoomiyaha degmada Mandheera ayaa aaminsan in kooxda wax afduubatay ay tahay Alshabaab. Dadkaas ayaa la aaminsanyahay sidoo kale in loola dhaqaaqay dhinaca xadka Soomaaliya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com