Dhageyso: Guddoomiyaha Degmada Dhabad Aadan Cabdinuur Galaal”Awalba Dawlad Nooma Imaan Jirin, Dawlada Cusubna Way Nooga Dartay”

0

Dhabad(AGGM) Guddoomiyaha Degmada Dhabad ee gobolka Galgaduud Aadan Cabdinuur Galaal ayaa sheegay in  shacabka degmada Dhabad ay dhibaato kala kulmaan miinooyin farabadan oo halkaas ku aasan.

Aadan Cabdinuur Galaal ayaa sheegay in hay’addii imaan jiray la waayay oo aysan imaan degmada Dhabad tan iyo intii dawladan cusub ee Xasan Sheekh uu hoggaamiyo ay dhalatay.

Guddoomiyaha ayaa madaxda Soomaaliya ku canaantay waxqabad la’aan deegaankaas ka jira, iyo ka gaabin adeegyadii ay ka mudnaayeen. Wuxuu sheegay inay dawlada dhawr jeer arrimahaas kala hadleen balse aysan waxba u qaban.

Guddoomiyaha Degmada Dhabad Aadan Cabdinuur Galaal ayaa dawlada ka dalbaday mar haddii aysan iyagu diyaar u ahayn inay umada wax u qabtaan, oo kaliyah ay u soo fasaxaan oo ay deegaankaas u soo diraan hay’addaha faraha badan ee Muqudisho gaaraya maalin walba.

Waxaa Nasiib daro ah in deegaan u heelan Soomaaliya oo uusan cadaw haysan aan wali la gaarsiinin adeegyadii dawladiga ahaa oo ay xaq u lahaayeen umada degan, waxaana muuqanaysa in madaxda Soomaaliya ay ku fashilmeen xilkii umada u dhiibatay.

Halkaan Ka Dhageyso

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com