Daawo: Xaaji Maxamed Yaasiin” Been Ayaa La Iga Sheegay, Anigu Ma Oran Beesha Hawiye Xukun Ehel Uma Ahan”

0

Nairobi(AGGM) Xaaji Maxamed Yaasiin oo ah siyaasi reer Puntland ah balse ku nool wadanka Kenya ayaa iska difaacay warar sida uu sheegay laga baahiyey oo oranayay in rag ahaa beesha Hawiye uu aflagaadeeyay.

Xaaji Maxamed ayaa sheegay in uusan waxba ka sheegin rag uu kamid ahaa Aadan Cabdule, Cabdirashid, Cabdirazaaq iyo Cabdullahi Isse oo uusana beel ahaan u weerarin.

Siyaasiga ayaa sheegay in war qaldan uu ka fidiyey Prof. Cali Mohd Geedi, oo uu sheegay in kulankaas uu ka qeybgalay balse isagu uu bari ka yahay eedaha saxaafada ka faafisay.

Siyaasiga ayaa waxaa lagu haystaa in uu yiri beesha Hawiye xukun ehel uma aha, taasoo uu sheegay inuusan marnaba oran sidaas.

Halkaan ka daawo isagoo sharaxaya

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com