Daawo: Suuq Badda Korkeeda Ah Oo Muqdisho Ka Billawday

0

Muqdisho(AGGM) Kalluumaysata magaalada Muqdisho ayaa maalmahan waxaa u soo baxay suuq cusub oo ay kheyraadka badda oo ay jallaabtaan ku iibsan karaan.

Xeebaha magaalada Muqdisho ayaa waxaa taagan maraakiib waa weyn oo kalluumaysata ka iibsata libaax baddeedka, yiqaaska iyo kheyraadka kale ee badda laga helo.

Kalluumaysata ayaa subixii u shaqa taga inay kalluunkaas soo qabsadaan, deedna markiiba badda korkeeda ayay ku iibiyaan.

Halkaan Ka Daawo

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com