Daawo: Mid Kamid Ah Dadka Shayaadiinta Caabuda Oo Loo Diiday Inuu Galo Isutaga Imaaraadka Carabta

0

Dubia(AGGM) Saraakiisha laanta socdaalka iyo booliska Isutaga Imaaraadka Carabta ayaa waxa ay dal ku gal u diideen Rolf Buchholz, oo 55 sano jir oo u dhashay wadanka Jarmalka.

Saraakiisha oo si hoose ula hadlay saxaafada ayaa waxa ay sheegeen in ay cabsadeen in ninkaan uu yahay koox quraafaadka aaminsan, sidaas darteedna aysan u ogolaan Karin wadankooda.

Ninkaan ayaa waxaa jirkiisa ku jira in ka badan 453 oo biro ah. Rolf Buchholz waxaa uu ku balansanaa in uu bandhig ka sameeyo Club ku yaalla magaalada Dubia.

Sababta loogu diiday ayuu ku tilmaamay inay tahay mid aan gar ahayn, wuxuu sheegay in uu yahay qof caadi oo shaqaysta lana mid ah umada kale.

Halkaan ka daawo

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com