Daawo: Farriin Uu Kuu Soo diray Raisul Wasaare Cabdiwali

0

Muqdisho(AGGM): Akhriste waxaad ogtahay in dalkeenii hooyo ay ka soo fool leedahay abaar, taasoo durbaba deegaano badan lagu arkay raadadkeedii horudhaca ahaa.

Abaar waa masiibo iyo dhibaato xanuun badan, waxaa ay sanad walba naga dishaa dhalaan hadda nool, hooyooyin iyo dad u nugul masiibadaas. Maanta abaartaas waa laga hortagi karaa maadaama ay u baahanyahay wax adiga kugu xiran.

Si aad abaartaas saamaynteeda u yareyso waxaad awoodo u dir ehelkaaga ama qoyskaaga ama qaraabadaada oo xasuuso maadaama taasi ay anfici karto qoys Soomaaliyeed oo u baahnaa inay dabka shitaan.

Raisul wasaare Cabdiwali Sheekh Axmed ayaa farriintaas mid lamid ah umada Soomaaliyeed u soo diray, wuxuuna ku booriyey inay walaalood dhibaataysan ay soo caawiyaan.

Halkaan Ka Daawo farriinta uu RW u soo diray Aniga iyo Adiga

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com