Banaanbax Gilgilay Burco Iyo Beesha Arab Oo Ka Gadoodsan Maamulka Siilaanyo

0

Muqdisho(AGGM) Wararka aan ka helayno magaalo Burco ee xarunta Gobolka Togdheer ayaa sheegaya in uu saaka mudaharaad ka dhacayo magaalada gudaheeda. 

Mudaharaadkan ayaa  ka dhashay markii la xidhay odayaal ka soo jeeda beesha Cabdale Arab oo iyagu diiday go’aamadii ay soo saareen wafdigii wasiirada ahaa ee xukuumadu udirtay xalinta khilaaf labada  beelood oo kala ah Cabdale Arab iyo Habar jeclo oo dagaal ku dhexmaray Baliga Diiriye Guuleed.

Mudaharaad Go’ aankaasi oo beesha Cabdale Arab ku tilmaantay mid aan cadaalad ahayn oo dhan kararan.

Dhinaca kale Sida Warku Sheegayo Kooxaha Banaanbaxa sameeyay iyo Ciidamada amaanka ayaa isku dhacay waxayna Wararka hordhaca ahi sheegayaan in Tiro ka mid ah Ciidamadu uu dhaawac dhagxaan ahi soo gaadhay sidoona kalena xabsiga la dhigay boqolaal dhallinyaro ah.

Xariga odayaashan ayaa waxaa ka dambeeyay taliyaha booliska Somaliland oo isaga iyo xubno kale oo uu kamid yahay xildhibaan Nac-nac ay ku suganaayeen  maalmihii udambeeyay magaalada Burco.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media

allgalgaduud@gmail.com