Sharciga Hanaanka Doorasho Ee 2016 Oo Horyaalla Baarlamaanka Soomaaliya

0

Muqdisho(AGGM) Barlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa loo gudbiyey sharciyo dhawr ah oo ay soo gudbisay Xukuumadda Soomaaliya si ay dood uga yeeshaan una ansixiyaan. 

Sharciyada loo gudbiyey barlamaankana ee laga filayo inay dooda ka yeeshaan ayaa waxaa kamid ah guddiyo la sheegay inay dardargeliyaab hanaanka doorasho ee la filayo in ay dalka ka qabsoonto sanada 2016ka.

Dad badan ayaa shaki qaba in ay dhawaan dhici karto in dadka soomaaliyeed ay codkooda u dhiibtaan si xor iyo cadaalad ah maadaama uu dalku ku jiro burbur.

Baarlamaanka ayaa sidoo kale laga filayaa inay ansixiyaan barnaamijka hub ka dhigista ee haatanba laga billaabay Muqdisho, kaasoo dhaliyey muran weyn.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com