Sawiro Iyo Muuqaal Xusuus Mudan: Kulan Taageero Madaxweynaha Cusub Ee Turkiga Recep Tayyip Erdoğan Oo Aan Loo Kala Harin Oo Muqdisho Ka Dhacay

0

Muqdisho(AGGM) Xafladdan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Haweenka iyo xuquuqul insaanka Soomaaliya ayaa si wacdaro leh loogu soo bandhigay taageerada loo hayo guusha Recep Tayyip Erdoğan. 

Turkiga waxaa lagu xasuustaa gurmadkii uu u soo fideyay umada Soomaaliyeed abaarihii wadanka ku dhuftay 2011kii.

Maalintii uu Recep Tayyip Erdoğan booqanayay Muqdisho Aug 19, 2011 ayaa waxa ay maalin taariikh weyn u ah umada Soomaaliya oo beesha caalamka ay dayacday.

Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo xuquuqul insaanka ee Xukuumadda Soomaaliya oo muanasabada ka hadashay ayaa Madaxweynaha cusub ee dalka Turkiga Mudane Recep Tayyip Erdoğan ugu hambalyeysay guushii uu ka gaaray doorashadii Madaxtinimo ee ka dhacday dalka Turkiga.

Wasiirka Arrimaha dibada ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo ugu dambeyntii munaasabadda ka hadlay ayaa bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay inay taageeraan dowladda, taasi oo looga gudbi karo dhibaatooyinka ka jira dalka, isagoo ka mahadceliyay taageerada Turkiga u siinayo shacabka iyo dowladda.

Halkaan Ka Daawo Muuqaal Waxqabadkii Turkiga ee walaalahooda Baahnaa Ee Soomaaliya

 

Halkaan ka daawo Muuqaal kulanka maanta

 

sawirada wacdaraha kulankaas

t1 t2 t3 t4 t5 t6 t7 t8 t9 t10 t11 t13 t14 t15 t17 t18

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com