Sawiro: Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Muungaab Oo Dib Ugu Laabtay Muqdisho

0

Muqdisho(AGGM) Xasan Maxamed Xuseen Muungaab Duqa Muqdisho ahna Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa saaka dib ugi laabtay dalka, isagoo ka degay Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho.

Muungaab waxaa halkaas ku dhaweeyay dadweyne, saraakiil iyo masuuliyiin ka tirsan maamulka Banaadir

Dib u laabashada deg dega ah ee Muungaab ayaa la sheegayaa inay ka dambayso kaddib markii dawlada ay Muqdisho ka billawday hub ka dhigis lagu samaynayo qaar kamid ah siyaasiyiinta ugu awooda badan Muqdisho.

Duqa Muqdisho ayaa safar ku tagay wadamo ay kamidyihiin Sweden iyo Turkiga, halkaasoo uu kula soo kulmay soomaalida qaxootiga ku ah wadamadaas iyo masuuliyiin maamusha magaalooyinka uu booqday oo ay kamid ahayd Stockholm.

Muungaab ayaa saaka durbadiiba markii uu laabtay wuxuu kormeeray  Ufficiko Governo oo ah Xarunta Dawladda Hoose ee Muqdisho oo dhawaan uu ka billawday dib u dhis lagu sameynayo.

HALKAAN KA DAAWO SAWIRO

m1 m2 m3 m4 m5 m6 m7

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com