Sawiro: Dawlada Hoose ee Dhuusamareeb Oo Inta Dayactiray Xarigga Laga Jaray

0

Dhuusamareeb(AGGM) Xarunta Dawlada hoose ee magaalada Dhuusamareeb ayaa  markii ugu horeysay 24 sano waxaa lagu sameeyay dayactir.

Munaasabad lagu daahfurayay xaruntaas ayaa waxaa ka qeybgalay maamulka Degmada iyo dhamaan qaybaha Bulshada ee magaalada Dhuusamareeb.

Hay’ada USAID faraceeda TIS oo ah barnaamij loogu talagalay xasilinta dalka ayaa gacan ka gaystay qarashkii ku baxay dayactirka xarunta.

Waxaa sidoo kale xariga laga jaray xarunta maxkamada Gobolka, guriga hooyooyinka, iyo garoomo kubada cagta lagu dheelo iyo madaarka diyaarada oo isna dib u habayn lagu sameeyay.

Degmooyinka Xeraale iyo Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud ayaa ka faaiidaystay mashaariic horumarineed oo waaweyn.

d1 - Copy d1 d2 - Copy d2 d3 d4 d5 - Copy d5 d6 d7 d8 d9 d11 d13 d14 d15

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com