Nicholas Kay Oo Xalinta Muranka Puntland Iyo Federaalka U Tagay Garoowe

0

Garoowe(AGGM) Ambassador Nicholas Kay wakiilka gaarka ah qaramada Midoobay ugu qeybsan Soomaaliya ayaa goor dhaw waxa uu ka dagay garoonka diyaaradaha ee Garoowe.

Mudane Kay waxaa safarkiisa ku wehlinaya wafdi ka tirsan xafiiskiisa waxaana ay saaka ka soo duuleen magaalada Muqdisho oo uu xafiis ku leeyahay. Waxaa halkaas ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin katirsan maamulka Puntland .

Nicholas Kay ayaa waxaa lagu wadaa in isla maantaba uu la kulmo madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas si uu ugu hadlo muranka ka dhashay maamul u samaynta gobolada dhexe oo ay Puntland ka carootay.

Waftiga Kay  ayaa laga filayaa inay is afgarad ku dhameeyaan muran siyaasadeedka ka dhex aloosan Puntland iyo federaalka.

Puntland waxa ay caan ku tahay in la khilaafto xiliyada qaar qorshayaasha ay wado dawlada federaalka ee fadhigeedu yahay Muqdisho.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com