Dhageyso+Daawo Wareysi Xasaasi Ah: Xildhibaan Si Adag U Cambaareeyay Hub Ka Dhigista Muqdisho

0

Muqdisho(AGGM) Xildhibaan Cabdi Maxamed Abtidoon ayaa si adag uga soo horjeestay howlagalada ay taageerayso AMISOM ee hubka looga aruurinayo siyaasiyiin reer Muqdisho ah.

Xildhibaan Abdidoon ayaa sheegay inay aad uga xunyihiin dhibaato uu sheegay in dad shacab ah ay ku soo gaartay weerar AMISOM ay ku qaaday guddoomiyihii degmada Wadajir Axmed Daaci.

Xildhibaanka ayaa sheegay in weerarada noocaan ay wiiqayso dagaalkii lagula jiray kooxda xagjirka ah ee Alshabaab.

Xildhibaankan ayaa tilmaamay inaysan cidna diidaneen in hubka la wareejiyo balse wuxuu wax xun ku tilmaamay sida loo wajahay. Wuxuu ku eedeeyay ciidamada AMISOM inay madaafiic ku garaaceen shacabna ay halkaas ku xasuuqeen.

Halkaan Ka Dhageyso


 

 

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com