Garoowe(AGGM) Goor dhaw waxaa magaalada Garoowe ku soo dhamaaday kulan dhexmaray madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Nicholas Kay ergayga qaramada midoobey u qaabilsan Soomaaliya.
Labada Masuul ayaa waxa ay ka wada hadleen arrimo xasaasi ah, Nichlolas Kay ayaa sheegay in uu rajeynayo in xiriirka federaalka iyo Puntland uu si tartartiib ah dib ugu soo laabto.
Madaxweynaha Puntland ayaa isaguna sheegay in kulanka uu ahaa mid is afgarad ku dhamaaday, oo ay waxyaabo badan iskula soo qaadeen ergeyga.
Halkaan Ka Dhageyso
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media