Dhacdo Amakaag Ah Muqdisho: Umulin Fashilisay Labo Haween ah oo La Isla Qabay oo Aan Iska Warheynin

0

Mid ka mid ah umulisooyinka ku nool degmada Waaberi oo magaceeda kusoo koobtay Faaduma ayaa maalintii Arbacada aheyd hooygeeda loogu keenay gabar fool aheyd u jeedkana uu ahay inay umuliso. 

Haweeneydii umulisada ahayd ayaa dhib badan kadib gabadhii loo keenay ka dhalisay si nabadgelyo wiil, hase yeeshee arintaa cajiibka ah oo lala amakaagay ayaa waxay noqotay in umulisada iyo gabartii la umulinayay uu hal nin kawada dhaxeeyay ama leys la qabay balse aysan iska warheynin.

Arrinta fashilisay in labada haween ah (umulisada iyo gabadha laga dhaliyey) la isla qabay ayaa ahayd kadib markiii umulisada ay sheegatay in la siiyo lacag dhan $100 (boqol doolar) oo ah shaqada hawsha umulinta ee ay qabatay.

Umulisada ayaa ku adkeysatay “waxaan rabaa 100$ doollar haddii kale umusha iyo cunugeeda albaabka kama baxayaan”, iyadoo markaasi aqoon u lahayn in gabadha ay ka umulisay uu qabo seygeeda oo ay tahay minyarada ninkeeda.

Markii ay dhacday dood badan oo dadkii deriska ahaa ay arrinta soo dhexgaleen ayaa laga fursan waayay in la raadiyo ninkii ay u dhaxday gabada umusha ah si arrinta loogu sheego uuna u furdaamiyo arrinka madaama oo lacagta xiligaasi la wadin.

Waxay talo faraha ka baxday markii la soo waday ama goobtii umulintii laga keenay odeygii qabay labada xaas oo magaciisa lagu soo gaabiyey Shariif Dhakab oo ay wehlinayaan seedigii iyo dumaashidii markii uu goobtii soo gaaray ayaa waxaa indhaha isku dhuftay haweeneydii umulisada ahayd iyo xaaskiisa la umulinaayay markiiba waxaa furka tuurtay umalisadii oo aan filaneynin in seygeedi oo reer kale ama xaas kale uu lahaa keenaayo taasoo dhalisay buuq ka dhashay goobta wada hadal kadib waxaa hadalkii soo dhexgalaya dadkii goobta joogay iyo dariska.

Ilo wareedyo ayaa u sheegay wargeyska arrimaha bulshada Iskaashi ee magaalada Muqdisho ka soo baxa, in arintan khilaafka ah ee soo kala dhexgashay odayga laba xaaslaha ah iyo haweeneydiisa in lagu soo gabagabeeyay masertir xaalmarin ah uu bixiyo Sharif Dhakab taasi uu aqbalay umulisadii iyo camugeedana ay sidaasi kusoo baxaan.

W/D: Axmed Muxyadiin Xaashi ( Cagamadhige )