Daawo: Odayaasha Iyo Waxgaradka Caabudwaaq Oo Baaq Nabadeed U diray Beelaha Balanbal Iyo Xeraale

0

Caabudwaaq(AGGM) Odayaal iyo waxgarad ka soo jeeda degmada Caabudwaaq ee waqooyiga gobolka Galgaduud ayaa baaq nabadeed u diray beelaha walaalaha ah ee degan deegaanka Xeraale iyo Degmada Balanballe.

Waxgaradka iyo odayaasha ayaa waxa ay ugu baaqeen in walaalaha degmooyinkaas degan ay dilal ka dhex dhacay ku dhameeyaan hab nabadgelyo ah.

Illaa saddex ruux ayaa ku dhimatay deegaanka Laanshilaalle oo u dhaxeeya Xeraale iyo Balaballe kaddibmarkii dad xoolo dhaqato ah ay isu gaysteen dilal.

Beelaha Xeraale iyo Balanballe ayaa labaduba ku baaqay in ay doonayaan in dhacdadaas lagu soo dhameeyo hab nabadgelyo ah.

Halkaan Ka Daawo

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com