Ciidamo Itoobiyaan Ah Oo Labo Nin Iyo Ugaas Beesha Ogaadeen Ah Kala Baxay Hotel Ku Yaalla Baydhabo

0

Baydhabo(AGGM) Warar aanu ka helnay magaalada Baydhabo ayaa waxa ay sheegayaan in xalay saqdii dhexe ay ciidamada Itoobiya oo qeyb ka ah AMISOM ay weerareen hotel ku yaalla magaalada Baydhabo halkaasoo ay kala baxeen labo qof iyo Ugaas.

Labada qof ee ay la baxeen ciidamada Itoobiyaanka ah ayaa la sheegay in ay jiifeen hotel la yirahdo Sydney  oo ku yaalla bartamaha magaalada Baydhabo.

Siyaasiga iyo ugaaska ayaa lagu soo waramayaa inay kasoo jeedaan beesha Ogaadeen. Waxaana magacyadooda lagu kala sheegay dadka ay la baxeen ciidamada Itoobiya Cali Buulo oo ah ugaaska iyo labada nin oo kala ahaa iyaguna  Axmed Jire Warfaa iyo Maxamed Xasan.

Warar dheeraad ayaa sheegaya in dhamaantood ay ka yimaadeen magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose muddo maalmo ahna ay joogeen magaalada Baydhabo.

Lama caddeyn karo sababta iyo waxa keenay in ciidamada Itoobiya ay la baxaan dadkaas balse eheladooda ayaa ku howlan soo furdaamintooda.

Magaalada Baydhabo waxaa ku sugan wafti beesha Cowlyahan oo la sheegay inay ka qeybqaadanayaan dhismaha  maamul goboleedka Koonfur Galbeed. Warar ayaa sheegaya in beesha Cowlyahan ee Salagle iyo Bu’aalle aysan ku qanacsanayn koox jifeedka Axmed Madoobe ee Raaskambooni.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com