Dhageyso: Cabdi Baaleey Oo Su’aal Kulul La Waydiiyey Kuna Dhiiqday” Maxay Tahay Dib U Heshiisiinta Aad Ka Hadlaysaan Haddii Kismaayo Beelo Gaar Ah Lagu Dhex Dilayo”

0

Nairobi(AGGM) Horjoogaha koox beeleedka Raaskambooni ugu magacaaban guddoomiyaha guddiga dib u heshiisiinta Cabdi Baaley Xuseen ayaa been ka sheegay xaalada amaan ee Kismaayo iyo been abuurad uu ku yiri waxaan la fariisanay beelaha Jubboyinka oo dhan.

Beelaha jubbooyina sida beesha SADE, Dabarre, Xawaadle, Dir, Hawiye iyo Harti kama mid ahan qorshaha uu haatan dhoodhoobayo horjoogaha Raaskambooni Axmed Madoobe. Qaar badan oo beelahaas ka soo jeeda waxa ay ku biireen ciidamada Col Barre Hiiraale.

Bisha soo socota ee September ayaa waxa ay cabsi weyn kun haysaa maamul beeleedkaas, maadaama indhaha caalamka ay saaranyihiin, oo aysan meesha waxba ku haynin. Salaadiinta beelaha jubbooyinka ayaa qaadacay shir beeneedkaas lagu xalaalaynayo horjoogaha Raaskambooni.

Cabdi Baaley Xuseen waxaa deeqay siminaaro iyo gunooyin lagu naas nuujiyo oo laga siiyo dekada uu xooga ku haysto Axmed Madoobe.

Halkaan Ka Dhageyso

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com