Dhageyso: Somaliland”Waa Nasiib Daro In Cali Khaliif Galaydh Uu Madaxweyne Ka Noqdo Tuulo”

0

Hargeysa (AGGM) Wasiiru dawlaha nabadaynta gobolada Bariga Somaliland Cali Maxamuud Xasan Sandulle ayaa sheegay in Somaliland aysan waxba u arkin sheegashada Cali Khaliif ee Madaxweynaha Khaatumo.

Xildhibaan Cali Khaliif ayaa shalay waxaa golaha wakiilada Khaatumo ay u doorteen inuu noqdo madaxweynaha Khaatumo State Of Soomaaliya.

Cali Sandule ayaa sheegay in Cali Khaliif uusan matalin rabitaanka Shacabka deegaanadaas.Wuxuu wax laga xumaado ku tilmaamay in Cali khaliif uu noqdo madaxweynaha deegaan yar waa sida uu isagu yiri.

Wasiiru dawlada ayaa sheegay in Somaliland ay aaminsantahay in Khaatumo aysan noqon Karin dawlad goboleed maadaama ay umad badan degto islamarahaantaasna aysan la ogaan ahayn.

Wasiiru dawlaha nabadaynta gobolada Bariga Somaliland Cali Maxamuud Xasan Sandulle ayaa sheegay in  dadka meeshaas ku shiray boqolikiiba shan ka ahayn beesha dhulbahante.

Halkaan Ka Dhageyso Wareysiga Wasiiru dawlaha nabadaynta gobolada Bariga Somaliland Cali Maxamuud Xasan Sandulle

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com