Daawo: Arday Soomaaliyeed Oo Baratay Shiinees, Dalkoodana Dib Ugu Laabtay

0

Muqdisho (AGGM) Qaar ka mid ah ardayda Soomaaliyeed ee ka baratay jaamacad ku taala bartamaha wadanka Shiinaha ayaa haatan dalkoodii dib ugu laabtay si ay wax ugu qabteen umadooda dhibaataysan.

Ardeydaan oo kuliyadaha kala duwan ee jaamacadaha wadanka Shiinaha wax ka soo bartay ayaa sheegay inay mudadaas barteen far shiineeska oo ah luuqad aad u adag.

Dalkeeda oo muddo 24 sano ah ku jiray xaalad fawdo iyo waxbarasho la’aan ayaa waxaa taasi ay qasabtay in arday badan ay dalka dibadiisa waxbarasho u aadaan.

Halkaan Ka Daawo Muuqaal

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com