AMISOM Oo Ka Hadashay Dagaal Dhexmaray Maleeshiyo Daacad U Ah Gudoomiyihii hore Wadajir Axmed Daaci Iyo Ciidamada Dawlada

0

Muqdisho(AGGM) War saxaafadeed kasoo baxay xafiiska AMISOM ayaa lagu looga waramay sida ay wax uga dhaceen Degmada Wadajir oo dagaal xoogan uu saaka ka dhacay. inkabadan 10-qof ayaa ku geeriyooday dagaal.

Dagaalka wuxuu dhexmaray ciidamada nabad sugida,  AMISOM iyo Maleeshiyo uu leeyahay gudoomiyihii hore ee Wadajir Axmed Daaci.

AMISOM waxa ay sheegtay inay garab siisay Ciidamada Somaaliya weerar ay ku qaadeen si ay usoo qabtaan hub sharci daro ah.

Weerarka ayaa waxa uu sababay in maleeshiyadii guriga ku sugnayd ay  is difaaceen hase ahaatee markii dambe laga awood roonaaday oo ay halkaas ku qabteen ilaa 20 dagaalyahan,  15 qori oo ah kuwa fud fudud iyo Saanad Milatari.

Golaha Wasiirada Somaaliya ayaa 7-dii August ee bishaan waxa ay meelmariyeen  qorshaha xakameynta hubka sharci darada ah.

Koox careysan oo taageesan labadaas siyaasiga gurigiisa la weeraray ayaa isugu soo baxay banaanka hore ee xarrunta maamulka degmada Kaaraan, balse waa la kala eryay.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com