Sawiro:Guddiga Dib Uu Eegista Qorshe Howleedka Wasaaradaha Oo Saxaafada La Hadlay.

0

Muqdisho, Guddi uu Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Cabdiwali Sheikh Axmed Maxamed u xilsaaray in ay dib u eegis ku sameeyaan qorshe howleedka Wasaaradaha lixdii bilood ee la soo dhaafay ayaa galabta saxaafada uga warbixiyey halka uu marayo dib u eegista wax qabadka wasaaradaha.

Gudigaan oo uu hogaaminayey Wasiir ku xigeenka Wasaarada Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga mudane Cabdullahi Sheikh Cali Qaloocow, ayaa maalmihii la soo dhaafay waxay warbixino ku aadan waxa ka qabsoomay qorshe howleedkii lixbilood ay soo gudbiyeen Wasaaraduhu ka dhagaysanayey.

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Cabdi Ciise Diirshe oo Saxaafadda la hadlay kulanka kaddib ayaa sheegay in galabta la isugu yeeray shan Wasaaradood kuwaas oo laga dhageystay warbixin ku saabsan waxyaabihii u qabsoomay lixdii bilood ee lasoo dhaafay iyo qorshahooda ku aadan lixda bilood ee soo socda.

“Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu u xilsaaray dib u eegista Wasaaradaha Guddi ka kooban shan wasaaradood oo hormuud u tahay Wasaaradda Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga, waxaana isugu yeeri doonaa dhammaan Wasaaradaha si loo ogaado wixii ay qabatay Wasaarad walba. Waxaa Ra’iisul Wasaaruhu amar ku bixiyay in la aruuriyo qorshe howlleedkii sanadkan 2014-ka lixdii bilood ee ugu horeysay, Wasaaradaha oo dhan waxaa laga rabaa in ay isku geeyaan wixii ay qabteen lixdaas bilood” ayuu yiri Mudane Cabdi Ciise Diirshe.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdalla Xaaji Cali oo xubin ka ah guddiga ayaa sheegay in tallaabadani horseedayso in la kala ogaado wasaaradaha sida hufan u fuliyey qorshe howloodkii ay soo gudbiyeen iyo kuwo aan waxba ka qaban.

“Qorshahan waa mid lagu muujinayo in la ogaado halka ay Wasaaraduhu wax ka qabteen iyo halka ay ka jilicsan yihiin, ujeedkuna waa in la hello xukuumadd shaqeyneysa oo waqtigan dhibka badan ka saarta bulshada Soomaaliyeed” ayuu yiri Mudane Cabdallaha Xaaji oo dhinaca kale xusay in hadii la wada shaqeeyo la gaari karo halka la hiigsanayo.

Talaabadaan uu Ra’iisul Wasaaruhu kula xisaabtamayo Wasaaradaha ayaa noqonaysa talaabo dhabaha u xaaraysa in si wanaagsan loogu adeego bulshada Soomaaliyeed, loona muujiyo shacabka Soomaaliyeed in xukuumadu ku howlan tahay isbadal lagu samaynayo hanaanka dowladnimo, si shacabku ugu kalsoonaadaan dowladooda.

g6 g5 g4 g3 g2 g1 g

—DHAMAAD—

Diraac Salaad Fagaase
Agaasimaha Warfaafinta ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha
Muqdisho, Soomaaliya
Media@opm.gov.so

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com