Dhageyso: Dibadbaxayaal Taageerayay Doorashada Cali Khaliif Galaydh Oo Laascaanood Lagu Rasaaseeyay

0

Laascaanood(AGGM) Wararka naga soo gaaraya magaalada Laascaanood ayaa sheegaya in mudaharaad aad u ballaaran oo si iskiis ah u abaabulmay uu halkaas kadhacay.

Dadka oo ku dhawaayay hadalo ay ku taageerayeen madaxweynaha cusub ee Khaatumo Cali Khaliif Galaydh ayaa waxaa rasaas ooda kaga qaaday ciidamada Somaliland ee halkaas xooga ku haysta.

Dadka la rasaaseeyay ayaa la soo sheegayaa inay u badnaayeen rag, dhalinyaro, haween iyo carruur, kuwaasoo ku faraxsanayaa in Mr Galaydh oo shahaadada PHD haysta uu ku guulaysto in uu hoggaamiyo maamulka Khaatumo State.

Banaanbaxa oo hada istaagay, ma jirin wax khasaare ah oo ilaa imin la soo wariyey balse waxaa la sheegaya in goobihii uu ka dhacay ay ciidamaada Somaliland ku soo rogeen bandaw.

Halkaan ka dhageyso

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com