Dhageyso: Yuusuf Indhacade Oo Ka Hadlay Hub Uruurin Ay Dawlada Ka Wado Muqdisho

0

Muqdisho (AGGM) Yuusuf Maxamed Siyaad Indhacade ayaa wax fiican ku tilmaamay hub dhawaan laga soo qabtay garaash ku yaalla magaalada Muqdisho, oo uu sheegay in ay lahaayeen koox u adeegta Alshabaab balse ganacsato iska dhigta.

Indhacade ayaa sheegay in ciddii doonaysa inay Muqdisho hub ku haysato ay tahay in ay u marto dawlada gaar ahaan wasaarada Amniga oo lasocon doonta dhaqdhaqaaqa hubkooda.

Yuusuf Maxamed Siyaad Indhacade ayaa ku baaqay in arrintii dhacday ee lagu weeraray gurigii Ina Qanyare iyo Cabdiwaal aan aad loo buunbuunin balse la saxo. Wuxuu sheegay in dawlada ay masuul ka saarantahay in ay sugto amniga cid kasta oo muwaadin ah.

Indhacade wuxuu shacabka ku booriyey in ay dawlada la shaqeeyaan oo ay howsha ay umada u hayso u fududeeyaan.

Halkaan Ka Dhageyso

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com