Sawiro:Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmay Ku-xigeenka Xoghayah Guud ee QM.

0

Muqdisho, AGGM:  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud ayaa maanta xarunta  Madaxtooyada ku qaabbilay Ku-Xigeenka Xoghayah Guud ee Qaramada  Midoobay Peter Drennan

Madaxweyanaha iyo ku-xigeenka Xoghayah Guud ee Qaramada Midoobay  waxay ka wada hadlay wada shaqeynta Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay, xaaladda ammaan ee dalka iyo taageerada Qaramada Midoobay ay u fidiso  Soomaaliya.

Mudane Peter Drennan ayaa ku ammaanay Dowladda Soomaaliya horumarka ay  ku tallaabsatay labaddii sano ee la soo dhaafay isaga oo cadeeyey in 
Qaramadda Midoobay ay diyaar u tahay xoojinta caawinaadda Dowladda  Soomaaliya gaar ahaan sidii loo xoojin lahaa ammaanka dalka.

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Shiikh  Maxamuud, wuxuu ka warbixiyay cunta yarida soo food saartay qeybo ka 
mid ah Soomaaliya sababo ammaandarro iyo roobabka wuxuuna codsaday in caalamku uu dhug u lahaado xaaladdaas.

HAS

HAS1

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com