Madaxweynaha Puntland Gaas Oo Diiday Ka Qayb Galka Shir Hadda Ka Furmay Muqdisho

0

Muqdisho (AGGM Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa lagu soo waramay in uu diiday ka qayb galka Shir Magaaladda Muqdisho oo loogu yeeray.

Shirka oo maanta ka furmay Muqdisho ayaa wuxuu hadda ka dhacayaa xarunta Xalane ee fariisinka u ah Ciidamadda AMISOM.

Shirkaas waxaa goobjoog ka ah wafti heersare ah 15 Xubnood ee joogtada ka ah Golaha Amaanka ee QM, Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxda Maamul Goboleedyadda sida Cabdiqeybdiid, Maamulka Ximin iyo Xeeb iyo Horjoogaha Raaskambooni.

Madaxweynaha Puntland ayaa ku adkeysanaya inay xiriirka u jartay federaalka kaddibna waxay u yeeratay xubnaheeda baarlamaanka kaga jira.

 

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com