Dhageyso: Maamulka Galmudug ”Rag Alshabaab Ah Ayaan Qabanay”

0

Gaalkacyo (AGGM) Ciidamada Amaanka ee Galmudug ayaa sheegay inay qabteen rag ay ku tuhunsanyihiin inay ka tirsanyihiin Alshabaab.

Raggan oo tiradooda lagu sheegay ilaa 3 nin ayaa la qabtay iyagoo saaran gaari, waxayna doonayaan inay deegaan kale u sii gudbaan.

Goobta lagu qabtay kooxdan ayaa ah deegaanka lagu magacaabo Ceelguula ee gobolka sida uu sheegay Gudoomiyaha deegaankaas Cali Baashi Macalin.

Ciidamada Nabad Sugidda ee Maamulka Galmudug ayaa fajignaan kaga jira in Alshabaabka baxsadka ah aysan u soo tallaabin deegaanadooda.

Halkaan Ka Dhageyso

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com