Top News: Xildhibaan Cabduqaadir Sheekh Ismaacil Oo Shaaciyay Inay Dowladda Fedraalka Dalka Dib Ugu Celisay….

0

Muqdisho, AGGM: Xildhibaan Cabduqaadir Sheekh Ismaacil oo horrey u soo noqday wasiir isla markaana ahaa guddoomiyihii guddiga dastuurka KMG ah ee
dalka ayaa maanta shaaciyay shirqoolo halis ah oo dowladda ay wax ka maleegtay taasoo lagu doonayo in uu dalka waligiis aanu ka bixin dhibka.

Isagoo la hadlaayay Idaacadda Mustaqbal ee magaalada Muqdisho ayuu sheegay xildhibaan Cabdiqaadir Ismaacil in madaxda dowladda ay ku heshiiyeen in dalka uu kala go’go oo aanu waligiis ka bixin dhibka ka socda sidda uu hadalka u dhigay.

Wuxuu sheegay isagoo ahaa guddoomiyihii guddiga dastuurka KMG ah in ay qalad tahay in Soomaaliya laga hirgaliyo nidaamka fedaraalka, wuxuuna ka digay in nidaamkaas uu u Soomaalida u horseedi doono dagaal sokeeye oo dib uga qarxa dalka.

Xildhibaan Cabdiqaadir Sheekh Ismaacil ayaa tilmaamay in madaxda dowladda ay qandaraas ku soo qaateen siddii uu dalka dhibka ugu jiri lahaa, waxaana uu sheegay in arrintaas looga baahan yahay in ay ka hortagaan mudanyaasha baarlamaanka maadama ay matalaan shacabka.

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay in dowladda looga baahan yahay in ay ammaanka caasimada sugto intii ay ku mashquuli lahayd arrimo aanu dano ugu jirin sidda uu hadalka u dhigay.

Waa xildhibaankii ugu horeeyay ee si cad ah u sheego in madaxda dowladda ay qandaraas ku soo qaateen siddii uu dalka dhibka ugu jiri lahaa.

Ma cadda wax yaabaha warkan ka keenay xildhibaan Cabdiqaadir Sheekh Ismaacil oo horrey wasiir ku-xigeenka ganacsiga ka soo noqday dowladihii kumeel gaarka ee dalka soo maray isla markaana soo noqday guddoomiyihii dastuurka kumeelgaarka ee dalka.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com