Top News: Soomaali ka naxday war dhawaan kasoo yeeray DF

0

Muqdisho, AGGM: Xilli dhawaan dowladda Federaalka ee Soomaaliya ay sheegtay in ay xirayso meelo badan oo ka mid ah safaaradaha ay dalkeeda ku leedahay, islamarkaana ay ku doonayaan qorshe is bedal ah, ayaa hadana taasi waxay keentay walaac aad u xoogan.

Koonfurta Sudan waxay ka mid noqotay wadamada Safaaradaha laga xiraayo, waxaana taasi ay walaac u keentay Soomaalida halkaasi ku nool.

Mid ka mid ah Soomaalida ku nool Koonfurta Sudan ayaa sheegay in dhibaato ay la kulmi doonaan hadii Dowladda Federaalka ah ay Albaabada isugu dhufato safaaradaasi.

“Anaga hanta ayaa dalkaan naga taalo hadii safaarada la xiro yaa wax inoo qabanaaya, hadda safaaradda ayaa nalooga baqaa, hase ahaatee sheekada sidaan masii ahaan doonto”

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media

allgalgaduud@gmail.com