Dhageyso: Cabdiwali Gaas Oo Markale Fariin Hanjabaad Ah Udiray Dowladda Federaalka Soomaaliya.

0

Muqdisho, AGGM:Madaxweynaha Maamulka Puntland C/weli Cali Gaas ayaa mar kale waxa uu ka hadlay Maamulka dawlada Somaliya ay qorsheneyso inay udhisto Deegaanada ku yaalla Gobollada Dhexe.

C/weli Gaas oo dhawaan Shaaca ka dhigay inay Xiriirkii ujareen Dawlada Federaalka Somaliya ayaa markaan waxa uu sheegayaa inay Dawalda ka doonayaan inay soo cadeyso xaduudaha Maamulka Gobollada Dhexe ay ka yagleeleyso.

Madaxweynaha Puntland ayaa Cod dheer ku sheegay inaysan gor gortan ka geli doonin dhulka ay ka taliyaan maamulkiisa wixii ka yimaada dhibaatana ay dawlada Federaalka qaadi doonto.

C/weli Maxamed Cali waxa uu tibaaxay inay jirto wada xaajood Beesha Caalamka ay ka dhex wado Maamulka uu madaxda ka yahay iyo Dawlada Federaalka taasi oo lagu Xalinayo Khilaafka labada dhinac soo kala dhex galay.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com