Jawaari Oo Ku Baaqay In Boosaskii Xildhibaanadii La Dilay La Soo buuxiyo

0

Muqdisho(AGGM) Prof Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari gGudoomiyaha barlamaanka Soomaaliya ayaa ugu baaqay odayaasha beelaha ay ka soo jeedaan boosas xildhibaanimo oo ka banana baarlamaanka Soomaaliya inay soo buuxiyaan. Jawaari ayaa sidaas ku sheegay qoraal uu maanta ka soo magaalada Muqdisho. Isagoo sheegay in tirade loo baahanyahay in la soo buuxiyo ay tahay ilaa 3 xildhibaan. Boosaskaan ayaa ahaa kuwo ay baneeyeen xildhibaano indhawaale siyaabo kala duwan loogu dilay magaalada Muqdisho.

Xildhibaanadaas ayaa waxaa kamid ah Allaha U Naxariistee Marxuumad Saado Cali Warsame , Marxuun Maxamed Maxamuud Xayd, iyo Marxuum Sheekh Aadan Maxamed Madeer oo dilkiisu ahaa kii ugu dambeeyay ee magaalada Muqdisho ka dhaca.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com