Warsaxaafadeed: Soo gudbin go’aanka Dhalinyarada, aqoonyahanada iyo haweenka beesha Murusade/Karanle oo ah dhaliil ku socota Wasiirka Warfaafinta.

0

Ujeeddo: Soo gudbin go’aanka Dhalinyarada, aqoonyahanada iyo haweenka beesha Murusade/Karanle oo ah dhaliil ku socota Wasiirka Warfaafinta.

Shir ay Dhalinyarada, aqoonyahanada iyo haweenka iyo dhamaan waxgaradka beesha Murusade/Karanle ay yeesheen dood iyo falanqeyn dheer ka dib, waxay beeshu go’aansatay inay fariin u diraan madaxda dalka kadib markii Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow, wasiirka war-faafinta oo ah beesha xilligaan ku matasha siyaasada uu ku dhaqaaqay qodobada hoos ku xusan:-

1) Wasiirku waxa uu lumiyay Amaanadii uu ku qaatay magaca beesha xilligii xulista wasiirada

2) Wuxuu lumiyay himiladii iyo rajadii beeeshu ay ka laheyd dowlada

3) Wuxuu ku tuntay nidaamkii awood qeybsiga dalka, isuna bedelay dulaal iibiya xilalka beesha ugu soo baxa awood qeybsiga dalka.

4) Wuxuu dib usoo nooleeyay dulaalnimadii lagu yaqiin qolyaha gumeysiga u shaqeeya qarnigii 19-aad

5) Wuxuu si joogta ah ku hayaa beesha Murusade Qarin si aysan usoo bixin masuuliyiin dowlada iyo beesha isku xiri kara, waxa uuna shaki geliyay jiritaankii beesha oo uu ka dhigay mid aan dalkaba wax ku laheyn.

6) Asagoo adeegsanaya hay’adaha amniga qaranka mar kasta u isticmaalaa inuu ku tunto beesha oo dhan inay yihiin Shabaab, waxa uuna ka qeyb qaatay dagaal beesha si gaar ah loogu qaaday, saraakiisheeda, siyaasiyiinteeda iyo ganacsatadeeda, kuwaas oo hanta lagu boobay saraakiilna lagu xiray, isaga oo damacsan ka qeyb qaadashada weerarro kale oo beesha ka dhan ah.

7) Waxa uu wasiirku iibsaday macaawinadii dowladu ugu talagashay degmada Ceelbuur kadib markii laga saaray Shabaab si uu u aruursado qarash Badan, isaga oo marmarsimo ka dhigtay in aan lageyn karin.

8) Wuxuu inkirsan yahay doorka ay beeshu ku leedahay guud ahaan qaranka, gaar ahaana gobolada ay degto, sida: Gobalka Galguduud.

9) Beeshu waxay u gudbinaysaa madaxda dalka in beeshu si aan laalab laheyn ay u diidantahay ficilada Guracan ee Mustaf Dhuxulow

10) Waxaan faraynaa Xildhibaanada Beesha inay ku shaqeeyaan kuna metelaan rabitaanka beesha ayna dhinacooda Madaxda dalka ka hor cadeeyaan cabashada beeshu ka tahay wasiirka.

Wabillaahi towfiiq.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com