Sheekh Nuur Baaruud Gurxan” Isbadel Ayaa Ka Muuqda Amniga Muqdisho”

0

Muqdisho(AGGM) Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo ah afhayeenka hay’adda culimada  Soomaaliyeed, ayaa sheegay in isbadal weyn uu ka muuqdo amniga magaalada Muqdisho.

Sheekh Baaruud ayaa amaanay wasaarada Amaanka Qaranka oo uu sheegay inay wax badan ka qabatay Amaanka caasimada.

Afhayeenka ayaa soo dhaweeyay isbadelka ciidamada Muqdisho ka muuqda, gaar ahaan kan lagu sameeyay madaxdooda.

Taliyaha Cusub ee Ciidanka Booliska Soomaaliya Gen. Maxamed Sheekh Xasan Ismaaciil ayaa kamid ah wajiyada cusub ee hormuudka u ah astaamaha nabadgelyo oo Muqdisho ka soo ifbaxaya.

Wasaarada Amniga Qaranka Soomaaliya ayaa tan iyo markii isbadelka lagu sameeyay waxa ay Muqdisho ku soo bandhigtay Hub ay sheegtay in loo gacab gelin rabay Ururka Al Shabaab.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com