Madaxweyne hore oo DF ka sheegay war lama filaan ah isaga oo yiri…

0

Madaxweynihii hore ee dalka Soomaaliya Dr. C/qaasim Salaad Xasan, ayaa ku eedeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya inay ka gaabisay dib uheshiisiinta Beelaha ku dagaalamaya dalka Soomaaliya.

Isaga oo la hadlayay Idaacada Shabeele ee Magaalada Muqdisho, ayuu C/qaasim Salaad Xasan wuxuu muujiyay inay weli maqan tahay kaalinta Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aadan dib uheshiisiinta Beelaha Soomaaliyeed.

Wuxuu sheegay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya in Dowladda hada jirto laga rabo inay gogol nabadeed ufidiso beelaha Soomaaliyeed si loo ogaado kala tabashada ka dhex-jirta Beelaha, kadibna xal buuxa loo gaaro.

Gobolo kamid ah dalka Soomaaliya waxaa xilligaan ka taagan dagaal beeleed udhaxeeya beelo walaalo ah oo wada daga, waxaana kamid ah Gobalada ay ka taagan tahay xiisadaha dagaal beeleedyada, Shabeelaha hoose Hiiraan iyo Galgaduud oo Beelo wada daga Gobaladaasi ay kuwada dagaalameen.

C/qaasim Salaad Xasan, wuxuu sidoo kale sheegya in Dowladda Soomaaliya ay ku dadaasho heshiisiinta Beelaha ku dagaalamaya Gobalada dalka Soomaaliya, maadaama xilligaan dalka Soomaaliya ay ka jirto Dowlad oo aan loo baahneyn in beelo Soomaaliyeed ay wada dagaalamaan.

Ugu dambeyn dadka Soomaaliyeed ayaa wuxuu ugu baaqay inay gartaan qiimaha ay leedahay nabadda, kadibna ay ku daydaan shacabka ku nool dalalka caalamka ee hormuudka u ah nabadda.

Muddo 23-sano Soomaaliya waxaa ka taagan dagaalo kala duwan oo hadba wajiyo cusub oo gaar ah lasoo baxaya, mana muuqato ifafaalo wanaagsan oo looga gudbayo.