Dhageyso:Abaar Xun Oo Dad Iyo Duunyaba Saameeyay Oo Laga Soo Sheegayo Gobolka Gedo.

0

Gerileey, AGGM:Tuulooyin hoostaga Deegaanka Gerileey ee Gobolka Gedo ayaa waxa laga soo sheegayaa Xaalad Abaareed iyadoona Seddex Sano wax roob ah ka da’in halkaasi.

Gudoomiyaha Deegaanka Gerileey Aar Maxamuud Maxamed waxa uu sheegay in Xoolaha iyo dadkuba ay waraabtaan baco dhulka la geliyey oo biyo lagu doogtay mar hore.

Waxa uu Gudoomiye Aar sheegay sidoo kale inay jiraan dad iyo Xoolo gudaha dalka Kenya ubarakacay isagoo inta joogtana ku sheegay inay Xaalad Adag hadda wajahayaan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com